Muqdisho(INO)— Shirka Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee 2016 ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo la soo bandhigi doono natiijada ku aadan nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka soo socda.
24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa jiray kulamo hoose iyo kuwo gaar gaar ahaa oo u socday Madaxda Soomaalida ee ku kala aragti duwanaa hanaanka doorasho ee dalka ka dhici karta 2016, kadib markii ay soo bandhigeen labo aragti oo kala ah in hab deegaan lagu soo doorto Baarlamaanka iyo in hab qabiil 4.5 lagu soo doorto.
Kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeyay madaxda Soomaalida ayaa sabab u ahaa in shirka oo maalintii shalay la soo xiri lahaa uu dib u dhaco, iyadoo kulamo ay lahaayeen Madaxda oo la doonayo in lagu mideeyo fikradaha kala duwan laga gaaray horumar.
Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeysanayay doorashada ay noqoto hab deegaan, hase ahaate warar qaar Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in fikirkaas uu ka soo yara dabcay, isla markaana ogolaaday in hab qabiil lagu qeybsado.
Sidoo kale Madaxda Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa aragtidooda aheyd mid cad, isla markaana tusaalooyin u soo qaatay shirarkii Soomaaliya dowladaha loogu soo dhisay, isla markaana lagu saleeyay hab beeleedka 4.5.
Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in doorashada 2016 ay noqon doono hab beeleed, isla markaana Madaxda siyaasada Soomaaliya ay isku raaceen qodobkaas, hase ahaatee waxaa daba socota hab kale oo lagu dabaqi doono qaab beeleedka lagu soo xulayo Baarlamaanka, waxaana iyana hab deegaan lagu soo xuli doonaa Aqalka golaha sare.
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada oo ah halka is araga ugu badani uu ka dhacay ayaa noo xaqiijiyay in maanta mar kale shirkii uu qabsoomayo, warbaahintana ay goobjoog ka noqon doonto shirka oo lagu qabanayo Xaruntii Hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliyeed Afisyooni.
Madaxda Dowladda oo aan wali fikirooda qaabka doorasha shaacin sida Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta Goob jog u ahaan doona Soo xiritaanka Shirka.
Idale News Online, Muqdisho