Magaaladda Kismaayo ee xaruunta Gobbolka Jubbadda Hoose dhawaan waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shir ujeedkiisu uu yahay Maamul u samaynta Gobboladda Jubbooyinka iyo Gedo.
Magaalada waxaa ku sii qulqulaya siyaasiin iyo waxgarad ka soo jeeda Deegaanadda Gobboladda Maamulada loo samaynayo.
Ka sakow siyaasiinta Gobbolkaasi ee gaaraya Magaaladda Kismaayo ayaa hadana waxa xusid mudan in Kismaayo maalin ka hor ay gaareen wafuud ka socotay IGAD , iyo Dowladda Kenya.
Wafdigan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulamo la yeeshaan beelaha ku dhaqan gobalka ayagoo kala hadli doona sidii loo dhisi lahaa maamul ay ku mideysan yihiin beelaha degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Waxaa lagu wadaa in sidoo kale guddiyadan ay kulamo la yeeshaan Madaxda Dowlada Federaalka ee ku sugan Muqdisho xili ay xiisad xoogleh ka dhexdhalatay Dowlada Federaalka iyo maamulka hada gacanta ku haya magaalada Kismaayo, arrintaasi oo la xariirta maamul u sameynta gobalada Jubooyinka.
Beelaha ku dhaqan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa siyaasiyiin ka socota horey ugu shireen magaalada Nairobi, halkaasi oo laga soo saaray qorshe maamul gobaleed loogu sameenayo gobaladaasi.
Balse Qorshahaasi ayaa waxaan waxna kala socon dowlada Federaalka oo ayadu daneenaysa inay ayadu soo magacowdo maamul kumeel gaar ah oo deegaanadaasi sii maamula inta la dhisayo maamul gobaleed.
Maamul u samaynta Magaaladda Kismaayo ayaa noqotay Oodin ku taagan shacabka ka soo jeeda Deegaanadda Gobboladda Jubbooyinka iyo Gedo.
Inkastoo farta wadnaha lagu hayo hadana waxaa laga dhursugayaa qaabka loogu guulaysan karo in Maamul midaysan loo sameeyo Magaaladda Kismaayo
Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com