Maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in maalinta berito ah uu furmaya shirka looga hadlayo maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka.
Isaga oo warbaahinta kula hadlaye Magaalada Kismaayo afhayeenka maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar Shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maalinta beri ah oo 28-Bishan ah ka furmaya Kismaayo.
Seeraar ayaa sheegay in meel ammaankeeda si aad ah looga fikiray uu ka furmayo shirka maamul usameynta maanta iyo berina ay soo dhameestirmayaan ergada ka qeybgalaysa shirkaasi.
Ma uusan soo hadal qaadin in shirkani ay furi doonaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ama ay kasoo qeybgali doonaan xilli horay Axmed Madoobe uu usheegay in shirka ay furi doonaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda.
Shirka maalinta beri ah lagu wado in Magaalada Kismaayo uu ka furmo ayaan la ogeyn sida suuragal ay ku tahay inuu furmo maadaama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu dhankiisa sheegay in shir arimaha Jubbooyinka looga hadlayo uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa oodin ku taagan ku noqotay arimaha maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka Iyo Gedo oo iminka khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.
Idale News Muqdisho