Shir looga hadlayo arimaha haweenka Soomaaliyeed ee South Africa ayaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Cape Town ee wadankaasi,iyadoo shirka ay ka qeyb galayaan haween ka kala socda Ururada haweenka ee S/Africa.
Shirka ayaa socanaya mddo laba cisha ah, waxaana looga hadlayaa xaaladaha iyo dhibaatooyinka soo gaara haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.
HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA:
[vsw id=”v7GdUHqpfaQ” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa inta uu socda kufsiga haweenka qaaradda Afrika loo geysto, iyadoo mudooyinki u danbeeyay ay jireen haween kufsi loo geysanayo.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Western Cape ee dalka K/Africa Cabdi jidow iyo gudoomiyihi hore ee degmada Grabouw mudane Nuur Shabab oo ka mid ahaa mas’uuliyinti lagu casuumay shirka ayaa ka hadlay, waxaana ay sheegeen inay taageeri doonaan haweenka Soomaaliyeed ee S/Africa.
Shirka ayaa lasoo gaba gabeenayaa maalinta berito ah, waana idin soo gudbin doonaa waxyaabaha kasoo baxa insha allaah.
Idale News Muqdisho