Shaqaalaha Wasaaradda Howlaha guud oo iyagoo laba mushaar qaadan maanta loo qeybiyay Raashin +Sawirro

0
223

Shaqaalaha Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha ayaa maanta loo qeybiyay raashin loo siiyay mushaar ahaan.

Shaqaalahaan oo aan wax mushaar ah la siin labadii bilood ee ugu dambeysay Janaayo iyo Febraayo ayaa maamulka Wasaaradaasi wuxuu u gartay in mushaar ahaan loo siiyo shaqaalaha Wasaaradaasi raashin kala duwan oo isugu jiray Bariis, Bur iyo Saliid.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo xarunta Wasaaradaasi kula hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in kaddib markii shaqaalaha ay arkeen baahida dhinaca mushaar la’aanta ah uu maamulka Wasaaradda go’aamiyay in muddo laba bilood ah mushaarkood loo siiyo raashinkaan.

Waxa uu intaasi ku daray Agaasime Dhagaxtuur in lacagtaan laga saaray sanduuq shaqaale oo ay si gaar ah u leeyihiin shaqaalaha Wasaaradda, kaasoo sida uu sheegay ujeedada loo asaasay ay ahayd in wixii baahi ah ee la soo dersa shaqaalaha lagu maareeyo.

Dhinaca kale Agaasimaha Wasaaradda Howlaha guud gaadiidka Badda iyo dekedda waxa uu sheegay maadaama ay shaqaalaha ay yihiin laf dhabarkii Wasaaradda aysan suurtagal ahayn in baahidooda uu maamulku ku fiirsado ama ku eegto, sidaa darteedna sanduuqaan loogu talagalay in qofkii xanuunsada, qofkii ay la soo dersaan arrimo degdeg ah iyo qofkii dhaawac soo gaaro lagu maareeyo sidaasna ay maanta u garteen in qoysas badan oo ka tirsan shaqaalaha noloshooda lagu sii wado.

Waxaa kale oo iyana goobta ka hadlay K/Simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradaas Md. Cali Gacal iyo Agaasimaha maamulka lacagta iyo tababarada shaqaalaha Abuukar Ibraahim Maxamed, kuwaasi oo faahfaahin dheeri ah ka bixiyay qaabkii loo soo qorsheeyay raashinkaan iyo tirada rasmiga ah ee loogu talogalay, maadaama isbedel weyn lagu sameeyay Wasaaradda Gaadiidka, sidaa darteedna ay guud ahaan ku idil yihiin dhammaan shaqaalaha Wasaaradaasi oo dhan, waxayna sheegeen in qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha loo qorsheeyay in la siiyo Loor Bariis ah, Loor Bur ah iyo Caag Saliid ah.

DSC07653 DSC07630 DSC07632 DSC07633 DSC07634 DSC07635 DSC07640 DSC07644 DSC07646 DSC07647 DSC07648 DSC07649 DSC07650 DSC07651 DSC07652

Idale News Muqdisho