Shacabka Sool Sanaag iyo Ceyn (SSC) oo aad ula yaaban isbedbedelka badan iyo muranka siyaasiyiinta goboladooda

0
262

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud Siilaanyo ayaa wareegto ku magacaabay in uu wasiir yahay Saleeban Ciise Axmed xaglatoosite , Madaxwayne Siilaanyo ayaa  Xaglatoosiye u magacaabay Wasiirka dib u jadinta Somaliland.

Xaglatoosiye oo 4-sanno ka hor iska casilay Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland u magacawday, waxaana uu horey sidoo kale u soo qabtey hogaanka ururka SSC ee aasaaska u ahaa udub dhiga maamul goboleedka Khaatumo State.

Mid ka mida xibnihii ku biiray maamulka soomaliland laguna magacaabo Kayse Cabdi yuusuf horayna u ahaan jiray xoghaya warfaafinta ayaa isaguna ka baxay Ururka SSC ka dib markii uu sheegay in uu ka soo horjeedo go’aankii ay SSC ku go’aansatay in deegaanada Gobalka Cayn lagula dagaalamo maamulka soomaliland.

Horey ayaa masuuliyiin badan oo ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay danahooda gaarka ah uga kala biireen maamulada Puntland iyo Somaliland, waxayna dadka reer SSC ama Khaatumo State ay aad ula yaaban yihiin isbedbedelka badan ee siyaasiyiintooda iyo dhibaatada dadka deeganadaas ka soo gaarta khilaafka haraarey  maamulada is diidan ee masuuliyiintoodu kala raaceen.

Idale News Lascaano