Shacabka Kenya oo saakay u dareeray goobaha cod bixinta ee doorashada madaxtinimada dalkaas

0
238

Shacabka reer Kenya ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta ee doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo dadka ay safaf dhaa dheer ugu jiraan inay cododkooda ka dhiibtaan, waxaana aad isha loogu hayaa doorashada guud ee maanta dhaceysa.

ilaa 14-milyan ayaa la diiwaan geliyay, kuwaasoo cododkooda dhiibanaya, sideed musharax ayaa isku haya tartanka musharaxnimada, waxaana ugu cad cad Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo kuxigeenkiisa Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanaya Mwai Kibaki ayaan ka qeyb galeyn doorashada, maadaama labo xilli uu isa soo sharaxay, sida uu qabo dastuurka dalkaas.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ilaa 99-kun oo ciidan gaar ah loogu tala galay doorashada inay ammaankooda sugaan, waana doorashadii ugu muhiimsaneyd oo Kenya tan iyo markii xornimada ay qaateen 50-sano ka hor.

Election

Sidoo kale doorashadan ayaa noqonaya tii u horeysay tan iyo markii Dastuur cusub la hirgeliyay, waxaana dadweynaha reer Kenya u leeyihiin hami aad u weyn.

Goobaha sanaadiiqda cod bixinta ayaa saaka la furay 6-dii aroornimo, waxaana ay soo xirmayaan 5-ta galabnimo.
Ciidamada Ammaanka ayaa sheegay inay heleen dad doonaya inay abuuraan qas iyo jahwareer, waxaana ay ku hanjabeen inay ka hor tagi doonaan.

Goobaha dadka ka codeynayaan ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Nairobi, Mombasa, Gaarisa , halkaasoo meelo kala duwan la dhigay sanaadiiqda cod bixinta.

Si musharraxa Madaxweynuhu u guuleeysto waa inuu helaa 50 boqolkiiba iyo hal dheeri codadka guud ee la tiriyay iyo boqolkiiba 25 codadka 24 ka mid ah 47 deegaan.

Tani waxa ay tahay mid lagu xaqiijinayo in qofka guuleysta uu yahay mid taageero ka heysta dalka oo dhan iyo dhamaan qowiyadaha kala duwan.

Haddii taasi ay dhici weyso waxaa la gelayaa wareeg labaad, oo doorasho ah oo la qabanayo 30 maalmood gudahood, oo ka bilaabaneysa marka natiijada lagu dhawaaqo.

Waxaa dadku ay dooranayaan labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegga koowaad.

Mid ka mid ah arrimaha adag ee horyaal dowladda cusub waxa ay tahay in ay si buuxda u dhaqangeliso dastuurka cusub iyo inay la tacaasho niyad wanaagga shacabka Kenya.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo doorashadii 2007 ee muranku ka dhashay, taasi oo horseedday rabshado ka dhacay dalka oo 1300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan nus milyan qofna ay ku barakaceen.

Idale News Muqdisho