Seirra Leone oo Soomaaliya u soo direysa 850 askari qeyb ka ah howl galka AMISOM

0
258

Dowladda Seirra Leone ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo diri doonto ilaa 850 askari oo ka qeybq aadanayay howl galka midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha Seirra Leone Ernest Bai Koroma ayaa sheegay Isniintii in Ciidamadiisa diyaar garow ugu jiraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howl galka AMISOM ee la dagaalanka Kooxda Islaamiyiinta Al-Shabaab.

“Maanta oo ay ciidamadeena dhameystireen 12 bilood oo tababar ah waxay diyaar u yihiin inaan ciidamo u dirono Soomaaliya, waxaan u mahadcelineynaa Mareykanka iyo Ingiriiska oo nagu taageeray tababarka iyo saadka ciidamada”ayuu yiri Madaxweyne Koroma oo xusay in Ciidamadiisa ay qaateen tababar milateri oo buuxa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Seirra Leone loo soo dirayo Soomaaliya Talaadada soo socda, si ay uga howl galaan Gobolada Koofureed.

Serraa

Ciidamo ka socda dalalka Uganda, Brundi, Jabuuti, Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM iyo Ciidamada Itoobiya oo sanadkii hore ka soo tallaabay xadka ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira Xarakada Al-Shabaab.

Idale News Mogadishu