Muqdisho(INO)- Shariif Xasan Sheekh Aaden Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa Maanta si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin, Wasiiro, Xildhibaano ka Tirsan KGS iyo Dadweyne aad u farabadan ayaa Musharax Shariif Xasan kaga hortagay Garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho si ay u soo dhoweeyaan.
Shariif Xasan Sheekh ayaa La sheegey in kulumo siyaasadeed uu kula soo yeeshey Magaalada Nairobi Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Kenya iyo Diplomasiyiin ka tirsan Beesha Calaamka, isagoona raja ka qaba in Sanadkan uu Madaxweynaha Ka Noqodo Dalka Somalia.
Ugu dambeyntii, Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Horey u Sheegay in hadii uu ku guuleysto u dhisi doono golayaasha dowlada si waafaqsan nidaamka iyo Sharciyada dalka si loo helo dowlad sal balaaran leh.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Idale News Online, Muqdisho