Sawiro: Koonfur Galbeed Oo Gargaar U Qiibisay Danyar Ku Dhaqan Magaalada Marko

0
225

Marko(INO)- In kabadan 377 qoys ayaa maanta waxaa la gaarsiiyey Gargaarki ugu horeeyey Ee ay kugu telo gashay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dadkan Maanta Gargaarka La Gaarsiiyey ayaa waxaa ay ka mid ahayeen Kuwii Abaaruhu Ay Ku Sameeyeen Degmada Marka Ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Qoysaskan Gargaarka la gaarsiiyey Ayaa waxaa ay iskugu Jiraan kuwo Xoolahooda ay ku dhafeen Abaarta sanadkan ka jirta Dalka Soomaaliya iyo kuwo Beeraley ah Oo Sanadkan Abaartu ay Dhaafisey.

Gargaarkan la gaarsiiyey ayaa waxaa uu iskugu jiray Bur, Bariis ,Sonkor iyo Saliid kuwaasi oo Mudo noolashooda ay ku Mareen karaan.

Qaarka mid ah Dadki Gargaarka la siiyey ayaa u Mahadceliyey Maamulka Koonfur Galbeed  iyo Gudiga Abaaraha Soomaaliya Sida ay ugu Gurmadeen Dadkii Dhawaan Kusoo Barakacay Tuulooyin Hoos Yimaada Degmada Marka Waxeyna Sheegeen in maanta aad ay ugu faraxsan yihiin Gurmadkan Maanta La soo Gaarsiiyey ayagoo dhinac kalena Codsaday in Markasta Lala socdo xaaladooda.

Sheikh Yuusuf Oo kamid ah Mas’uuliyiinta Degmada Marka ayaa Dhankiisa sheegey in la soo gaarsiyey Sideed Kun Sedax Boqol Oo Dollar kuwaasi oo uu sheegey in Si Cadaan ah Loogu wareejiyey Madibna Raashin ay ugu Soo ibiyeen Si Loo Gaarsiyo Dadka Dadka Dhibataysan.

Gudoomiyaha Gobolka shabeelada Hoose Ibraahim Adan Cali Najax ayaa sheegey in Gobolka Shabeelada Hoose Uu ka Bilowday Gargaar La Gaarsiinayo Dadka ay waxyeelaysay Abaarta dalka Sanadkan ka jirta.

Hadii Aan nahay maamulka gobolka waxaan idinka balan qaadayna in markasta in idin soo gaarsiino Gurmad lamid ah kan maanta aan idin sameyney sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose.

Madoobe Nuunow Maxamed Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha Ahna wasiirka Xanaanada xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegey in sidii loogu tela galay gargaarka Ay u gaarsiyeen.

Waxaan Dooneynaa Inaan Cadeyno Lacagta aan u soo Qaadney Degmada Marko inaan U Bixinay Sidii Loogu Talo Galay Gudiga Gurmadka Abaaraha Heer Federaal iyo kan Dowlad Goboleed Ayaa isku Afgartay In Degmo kasto Gurmad Deg Deg Ah Loo fidiyo Si loo helo Dad Noolashooda Wanaagsan Tahay Sidaas Waxaa Warfidiyeenka U Xaqiijiyey Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Koonfur Galbeed.

lkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Maxamed Aden Socodaal

Idale News Online , Marko