Dhageyso: Sarkaalkii La socday Ninkii Mareykanka ahaa oo Baraawe oo laga baadigoobayo

0
250

Baraawe(INO)- Ciidamada Nabadsugida ayaa la sheegay inay ka wadaan degmada Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow howl gal ballaaran oo lagu baadigoobay Sarkaal la sheegay inuu la socday Ninkii Mareykanka ahaa ee dhowaan isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaa dad badan ku soo qab qabtay howl galkaas, iyadoo tan iyo shalay xaafadaha Baraawe uu ka socday howl gal lagu raadinayo ninka la socday Abdimalik Jones oo 6-dii bishan isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Abdimalik Jones oo Arbacadii la keenay Muqdisho uu sheegay inuu la socday nin kale, waxaana loo maleynayaa in ninkaas uu ku dhuumaaleysanayo Baraawe iyo nawaaxigeeda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa sheegay in ciidamada NISA ay baaritaano ka wadaan Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow, lana raadinayo nin kale oo la socday Abdimalik Jones oo ahaa Mareykan madow ah, kuwaasoo ka soo baxsaday Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, 6-dii bishan ayay aheyd markii Abdimalik Jones oo ahaa dagaalyahan Mareykan ka bar bar dagaalamayay Al-Shabaab uu isu soo dhiibay ciidamada dowladda, waxaana uu sheegay inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab oo doonayeen inay dilaan, isla markaana rag badan oo saaxibadiisa ay dileen.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Barawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here