Marka ( INO)-Cabdiqaadir Max’ed Ciise oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda mar uu ka hadlayay jid gooyooyin yaalla deegaanna dhaca Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu sheegay in rag ku labisan dareeskaasi ay dhigteen isbaarooyinkaasi isagoo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Ciidamada AMISOM taas oo uu sababeeyay in Kooxo aan ka tirsaneen Ciidamada ay Muqdisho ka soo galbiyaan, kuwaas oo marka ay soo gaaraan deegaanno ka tirsan Shabeelaha Hoose dhigta Jidgooyooyinkaasi sharci darrada ah.
Sarkaalkaan ayaa hoosta waxa uu ka xariiqay in aysan u dulqaadan doonin Kooxaha dhibaatada ku haya dadka rayidka ahi iyo gaadiidka , markastana ay diyaar u yihiin in Jawaab cad ay ka bixiyaan.
Geesta kale Cabdiqaadir Max’ed Ciise oo ka mid ah saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan oo shalay Howlgallo lagu qaadayay isbaarooyin ka sameeyay deegaanno ku yaalla Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay jiraan rag fara badan oo aan ka tirsaneen Ciidamada dowladda balse ay garabka ku wadaan Ciidamo kale , kuwaas oo ku dhaqaaqay falal abuuraya amni darro, balse waxa uu xusay in mar weliba ay ka soo horjeesanayaan kuwa nuucaas u dhaqmaya.
Shalay ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose isbaarooyin yaalla qaarkood ay qaadeen kadib markii howlgallo ka dhan ah isbaarooyinkaas ay ka sameeyeen halkaasi.
Idale News Online, Marka