Saraakill cusub oo Jabuuti Tababar kusoo qaatay oo maanta Magaalada Muqdisho saa gaaray + sawiro

0
239

Midawga Afrika ayaa maalinti khamista waxa ay tababaro ugu soo gaba gabeyeen dufcad cusub oo ka kooban 197 oo saraakil booliska Soomaali ah Dalka.

Maxamed Salah Anadif wakilka gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa war saxaafadeed uu kasoo saaray Magalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia waxa uu ku sheegay in tababarkasi lasoo gaba gabeyay maalinti shalay ay soo qaadateen saraakiishaas tabar 3-bilood ah oo lagu qabanayey Academy-yada  Ciidamada Booliska Dalka Jabuuti waxana tababarka bixinayay 5-kamid ah tababarayaal ciidan oo kuwa amisom ah iyo 32 saraakisha boliska Dalka Talyaaniga ah kuwasi oo tababarkooda xooga ku saaray hababka kala duwan ee amaanka Soomaaliya loo sugi karo.

War saxafadeedka Amisom ayaa intaa lagu daray in tababarka saraakiisha la siiyay ay ka saacidi karto hagaajinta awoodaha ciidamada booliska Soomaaliya kadib dagaalo sokeeye ee uu dalka soo maray.

Gaba gabada xaflad tababbarkasi saraakisha Soomaalida logu soo xirayay Dalka Jabuuti  ayaa waxa ka ka qeyb galay wasiiru dawlaha Wasaraha Arimaha Gudaha Soomaaliya Mahdi Maxamed Cali Safiirka Talyaaniga ee Dalka Ethiopia iyo masuliyin ka socotay Midawga Afrika.

Saraakisha Soomaalida ah oo isugu jira rag iyo dumar ayaa maanta soo gaaray Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka  Soomaaliya aygoona ka qayb  qaada doona howlaha Amaanka lagu sugayo.

 

saraakiil

Idale News Muqdisho