Baydhabo(INO)-Saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay qabsanayaan Deegaano ee Gobolka Baay oo ay haatan ka Taliyaan Maamulka Xarakada al-shabab.
Mid ka mid ah saraakiisha Milateriga ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in la wareegida Degmooyinka ka maqan gacanta dowlada soomaaliya oo kala wareegi donana Dagaalamyaaasha al-shabab kuwaasi oo sanadahii tagay ka ariminayay.
Waxaa uu sheegay in meesha kaliya ee Al-Shabaab ku harsan yihiin ay tahay Diinsoor, waxaana uu tibaaxay inay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Bay, iyadoo haatan qorsheynaya inay isku xiraan Gobolada baay iyo bakool.
Al-shabab ayaa Sanadkii dhamaaday waxaa gacantooda laga saaray Degmooyin muhiim u ahaa OO Ka tirsanaa Gobolada dalka .