Saraakiil katirsan Dowladda Turkiga ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha ugu sar sareysa dalka Somalia, labada qeyb ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda Dhabta ah ee iminka kataagan Magaaladda Muqdisho iyo kaalinta kaga aadan Xukuumadda Turkiga.
Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa waxaa goobta kulanka ku sugnaa wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud fiqi waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa Masuuliyiin katirsan kuwa Xukuumadda
Cabdixakiin Xaaji Maxamuud fiqi Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga Somalia ayaa sheegay in saraakiisha ay kawada hadleen sidii loo kordhin lahaa Taageeridda dalka iyo Ciidamadda Somalia waxa uuna sheegay in Xilligaani uu sii kordhaayo xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Turkiga, isaga oona xusay in Xukuumadda Turkiga ay ka qeyb qaadaneyso dhismaha Ciidamadda iyo qalabeyntooda
Cabdixakiin Xaaji Maxamuud fiqi ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha turkiga oo uu hoogaminayay Madaxa tababarada ciidamada booqashadoodaan ay u soo gaba gabowaday maanta iyaga oona muddooyinkaano koor meer ku joogan xirooyinka Ciidamadda ee Magaaladda Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka ayaa carabaabay in Dowladda Turkiga ay gudaneyso howshii ay ka dhawaajisay bilihii lasoo dhaafay taasoo uu wasiirku ku sheegay inay kaalmeyn doonaan Dowladda Somalia oo dhan waliba garab uga baahan.
Idale News Muqdisho