Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa Safiir aan caadi aheyn oo awooddiisa dhameystiran tahay u soo magacaabay Soomaaliya, iyadoo lagu wado in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar.
Xasan Xamza Asad Haashim oo ahaa Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho ayaa loo dalacsiiyay Safiir aan caadi aheyn, kaasoo geli kara xataa heshiisyada.
Danjire Xamza ayaa labadii sano ee u dambeeyay ka howl galayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhisme ku yaalla degmada Hodan oo xarun u aheyd.
Qatar ayaa ka mid ah dalalka Khaliijka ee ku loolamaya Soomaaliya, waxaana la sheegaa in xiriir dhow la leedahay dowladda Madaxweyne Farmaajo.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dhowaan uu ku tagayo Qatar ayaa la filayaa inuu lagu saxiixo taageero dhaqaale iyo mashaariic horumatineed oo Qatar ka fulineyso Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka, ee ka dhashay xiriirkii Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga u jareen Qatar ee lagu go’doomiyay.