Safaaradda Soomaaliya ee koonfur Afrika oo ku guuleystay inay fasaxdo dad doonayay inay dib ugu laabtaan Soomaaliya +Sawiro

0
212

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku guuleystay inay fasaxdo dad doonayay inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo kuwaasi oo xayirnaa muddo ka badan sedex bilood kadib markii Waaxda Socdaalka ee dalka Koonfur Afrika joojisay.

Dadkani oo tiradooda gaaraysa boqolaal oo doonayay inay booqdaan eheladooda ayaa furitaanka Safaaradda kadib waxaa si wadajir ah kulamo u yeeshay Waaxda Socdaalka dalka Koonfur Afrika iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkani Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi isagoo Safiirka kala hadlay dowladda Koonfur Afrika in ay xayiraadda ka qaado dadka doonaya inay dalkooda hooyo dib ugu laabtaa.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa wadda dadaalo ku aadan in gabi ahaanb xayiradda laga qaado Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay inay socdaalaan iyadoo tani ay noqonayso tallaabadii
ugu horeysay ee ay ku guuleysto Safaaradda waxaana la filayaa maalmaha soo socda boqolaal Soomaali ah ee ku xayiran magaalooyina waaweyn ee dalka koonfur Afrika ay u laabtaan dalkooda hooyo.

 

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/DSCN4950.jpg

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/DSCN4953.jpg

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/DSCN4955.jpg

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/DSCN4974.jpg

Idale News Muqdisho