Saddex ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya ayaa ku geeriyootay, kadib qarax maanta ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo ay Ciidamada Booliska ku leeyihiin Saldhig ay ammaanka ka sugaan.
Wararka ayaa sheegaya in askarta lagu weeraray Bam gacmeed, iyagoo ku sugnaa qeybta Qudaarta ee Suuqa Bakaaraha, waxaana markii dambe goobta soo gaaray Ciidamada dowladda oo in muddo ah xanibay dhaq dhaqaaqa ganacsi.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay in Askarta oo meel fadhiyay lagu tuuray bam gacmeed, iyadoo uu baxsaday ruuxii bamka ku tuuray askarta.
Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyay geerida saddexda askariga, isla markaana ay wadaan baaritaan ku aadan kooxihii weerarka ka dambeeyay.
Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo askar intan la eg lagu dilo bam gacmeed, xilli Suuqa Bakaaraha ay ciidamada ku leeyihiin bar koontaroolo Ammaanka laga xaqiijiyo.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn ee Koofurta Soomaaliya ayaa ka mid ahaa goobaha ay hareeyeen dagaalada tan iyo sanadkii 2007-dii, iyadoo dowladda ay la wareegtay dhamaadkii sanadkii 2011, markii Al-Shabaab isaga baxeen.
Idale News Muqdisho