Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Mitt Romney, ayaa doodii ugu dambeesay ee ku dhexmarta laga daawanaayey guud ahaan gudaha dalka Mareykanka iyo daafaha caalamka xaley ku yeeshay gobalka koonfurta barri ku yaalla ee Florida.
Inta badan Saadaasha dadkii codadkooda dhiibtey doodkii xaley oo ka koobnnaa 2da xisbi (Xisbiga Madaxweynaha Dimocratic Party, iyo Xisbi Jamhuuriga ee Governer Mitt Romney) iyo weliba dadka kale ee aan weli go’aansan halkey codkooda siin lahaayeen (Undecided Voters) ayaa waxaa ku horeeyey madaxweyne Barack Obama oo helay 48% codadkii la dhiibtey xaley halka musharaxa kale ee Jamhuuriga ee Mitt Romney uu isna helay 40%.
Obama ayaa wax yaabaha uu guuleestay ku tilmaamay dilkii hoggaamiyihii hore Al-Qaacida Osama bin Laden iyo inay kala dhantaaleen awoodkii kooxda Al-Qaacida.
Wuxu yiri “ Weerraradii lagu qaaday Maryakanka September 11, 2001 waxan ku weynay dad badan oo aan Jecalnahay,laakin waxan ka shaqeenay inay wiiqno awoodii kooxdaa eek ku xooganeed dalka Pakistan.
Wax yaabaha la weydiiyay waxa ka mid ah dilka danjirihii Maraykanka loogu geestay dalka Libya gaar ahaan Benghazi taasoo uu ku dhaliilay musharrax Mitt Romney.
Laakin madaxweyne Obama ayaa sheegay in uu kala shaqeyn doono dalka Libya siddii ay ugala shaqeen lahaayeen in dimuquraadiyad iyo nabad ay ka dhalato.
Arrinta Iran oo wax badan laga weydiiyay madaxweyne Obama ayaa waxa uu sheegay inay ku guuleesteen halista Nukleerka ee dalka Iran iyagoo la kaashtay waddamada ay saaxibada yihiin sida uu hadalka u dhigay.
Mitt Romney ayaa ku eedeeyay madaxweyne Obama inuu qasweyn ka dhaliyay waddamada bariga dhexe isagoonta intaas ku daray in uusan wax badan ka badallin afartii sanno ee xilkaas uu hayay.
Laakin madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mitt Romney uusan wax badan ka ogayn oo uusan ka heesan marka la yimaado siyaasadda Ciraaq iyo Afghanistan
Si kastaba, dadka odorasa siyaasadda dalka Maraykanka ayaa sheegay in doodii xaley uu markale ku guuleestay madaxweyne Obama, waayo musharrax Mitt Romney waxa uu ku soo cel-celinaayay wax yaabo uu sheegay mnadaxweynaha Maraykanka.
Doodii xaley wax badan kama badalneen labadii dood ee horrey loo soo qabtay in kastoo arrimaha siyaasadda diirada lagu saaray.
doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka ee ay u tartamaayaa Madaxweyne Obama iyo Musharaxa Jamhuuriga ayaa waxaa inaga xiga wax ka yar Labo toddobaad, waxaana la filayaa in Madaxweyne Barack Obama 4 sano oo kale dadweynaha Mareykanka u doortaan isagoo inta badan balamihii doorashadii hore wax badan ka qabtey inkastoo ay hor yaaleen caqabado ka haysteen guriga hoose (Congress) oo ay Jamhuuriyiintu u badan yihiin.
TV-ga CNN iyo qaar ka mid ah wargeysyada dalka Mareykanka sida Wargayska The Wall Street Journal ayaa codbixin ay sameeyeen waxay ku soo bandhigeen in Madaxweyne Obama uu yahay qofka ku guuleystey doodii 3aad ugana dambeysay ee ay yeeshaan labada tartame ka hor doorashada Mareykana. Madaxweyne Obama ayaa helay 48% halka Mitt Romney uu isna helay 40% doodii xaley ka dhacdey Florida.
Idale News Washington