Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed ayaa goor dhow magacaabay Ra’isulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay Ra’isulwasaaraha Dalka Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid).
Magacaabistan waxaa lagu shaaciyey munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayadoo magacaabistaasina uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaari oo labaduba wadajir uga hadlay Munaasabadda magacaabida ayaa u rajeeyey Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaala.
Ra’isulwasaaraha la magacaabay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay inuu dhowaan soo dhisi doono Xukuumad dalka ka samatabixisa dhibaatada taagan.