Saacid Garaad iyo C/weli Sheekh Axmed Diini oo midkood la filaayo in Caawo Madaxweynuhu Magacaabo

0
232

Xaflad qabanqaabada Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka socoto Xarunta Madaxtooyada Soomaalia, waxaana warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helney Madaxtooyada Qaranka sheegayaan in Saacid Garaad iyo C/weli Sheekh Axmed Diini oo labaduba ka soo jeeda Beesha Sade la filaayo in Caawa xiliga Muqdisho markay tahay 8:00PM (2 saac habeenimo) si rasmi ah Madaxweynuhu ugu dhawaaqo Wasiirka Kowaad ee Golaha Wasiirada.

Dib u dhaca ku yimid magacaabista Ra’iisul Wassaraha ayaa loo aaneynayaa isqabqabsi iyo tanaasul la’aan beesha Sade dhexdooda ah, taasoo ilaa iyo saacadihii ugu dambeeyey loo taag waayey in ay la yimaadaan hal musharax oo beeshu isku raacsan tahay.

Madaxweynaha ayaa qaatey go’aan kama dambeys ah oo mid ka mid ah labadaas Musharax oo ka soo jeeda beesha Sade  qalinka ku duuga caawa marka inta ka horeysa 9:00 Fiidnimo,  Waxaana aad ugu dhow dahay in Sayga Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi loo magacaabo inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dowlada Somalia, ka dibna ka shaqeeyo Madaxweynaha iyo Xildhibaanada u ololeynaayey Saacid sidii uu codka kalsoonida golaha barlamaankau heli lahaa.

Madaxweynaha ayaa maalinta Isniinta safarkiisa ugu horeeya ku tagi doona Uganda halkaas uu kaga qeyb gali doono munaasabad Qaran oo ay dowladda Uganda ku casuntay madaxweynayaal dhowr ah oo uu ku jiro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Warqabadka Idale News, Muqdisho
Idalnews@yahoo.com