Dhageyso: RW,Soomaaliya Oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka

0
252

Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca kula kulmay Xarunta Pentagon-ka.

Kuxigeenka Xoghayaha Difaaca Mareykanka Bob Work, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhanka amniga ee uu Mareykanka siiyo Soomaaliya.

Kuxigeenka Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay guulo ka gaareen dagaalka ay la galeen Shabaab, waxaana uu xusay inay sii xoojinayaan taageerada ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM.

Halkan Ka Dhageyso.

Sidoo kale waxaa ay labada dhinac ka hadleen arrimaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah Ciidanka Danab oo qeybta ka ah Kumaandooska oo ka tirsan ciidanka xooga dalka, waxaana la tilmaamay in qorshuhu yahay in la tayeeyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Ku xigeenka Xoghayaha difaaca Mareykanka Mr Work ayaa xaqiijiyay inay ka go’an tahay in ay taageeraan ciidanka Soomaaliya, sidii loo huromarin lahaa iyo kuwo Midowga Afrka ee AMISOM.

Pentagon-ka

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sugan Mareykanka, waxaana Ra’iisul Wasaaraha uu ka qeyb galay kulanka golaha ammaanka Qaramada Midoobey oo looga hadlay xaalada Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay ku jiraan diyaar garow ku aadan sidii ay duulaan ugu qaadi lahaayeen goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here