R/wasaare Saacid oo xildhibaanada ka hor aqriyay waxyaabihii u qabsoomay madada 100-ka maalin ah oo ay jirto xukuumadiisa

0
228

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta mudaneyaasha baarlamanka ka hor aqriyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii 100-ka maalin aheyd oo ay jirtay xukuumadiisa.

Kalfadhiga 2aad kulankiisa koowaad oo ay maanta mudaneyaasha baarlamaanku kuyeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uuna shir gudoominayay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxa uu ahaa ajandaha kulanka baarlamaanka ee maanta in R/wasaare Saacid ay ka dhageystaan wax qabadkii xukuumadda mudada boqolka maalinta aheyd oo ay jirtay, waxaana kulanka soo xaadiray 151 mudane.

Kulanka ayaa waxaa goob jog ka ahaa qaar ka mid ah gobolaha wasiirada, wakiilo ka socday hay’adaha caalamka, waxaana shirka furay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Prof Jawaari.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo khubad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay kulanka baarlamanka ayaa ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay mudada 100-ka maalin ah, waxa uuna xusay in hormar balaaran ay ku guuleysatay xukuumadda uu hormuudka ka yahay taas oo ay ka mid tahay arrimaha gudaha, dhaqaalaha, arrimaha dibada iyo arrimaha bulshada taas oo laga gaaray ayuu yiri hormar la taaban karo.

Sidoo kale Mudane Saacid oo sii watay qudbadiisa ayaa ka hadlay hormarka ay xukuumadiisa ka gaartay qaadista cuna qabateynta dhanka hubka ah ee saran Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamanka oo soo xiray kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay in maalinta berito ah ay dib isugu soo laaban doonaan xildhibaanada si ay uga hadlaan howlaha baarlamanka.

Idale News Muqdisho