R/wasaare Saacid oo kulan la qaatay maamulka G/galgaduud iyo shacabka ku dhaqan dagmada Dhuusamareeb

0
246

R/wasaaraha Dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa kulan dagmada Dhuusamareeb ee  xarunta gobolka Galgaduud kula qaatay maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha bulshada ku dhaqan dagmadaasi.

Kulanka uu la qaatay R/wasaaraha iyo xubnihii la socday maamulka gobolka Galgaduud iyo shacabka ayaa waxaa looga hadlay waxyaabo ay ka mid yihiin amaanka, waxbarashada, caafimaad iyo hormarka.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud oo hadalk ka jeediyay kulanka ayaa ka warbixiyay xaalada gobolka waxa uuna sheegay in ay tahay mid wanaagsan isagoona xusay in dhanka waxbarashada iyo caafimaadka ay ka liidato gobolka loona bahan yahay in lagu sameeyo hormar.

Sidoo kale R/wasaare Saacid ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku tagay gobolka Galgaduud waxa iinta intaasi raaciyay in dowladda ay ku howlan tahay hormarinta waxbarashada.

“booqashada aan maanta ku nimid gobolka waxa uu ahaa casuumaad aan ka helnay gudoomiyihii hore ee culumaa’udiinka Alhu suna waljameece Sheekh Maxamed Yuusuf   Xeefoow oo dhowaan ku geeriyooday Muqdisho, waxa uu ahaa shaqsi dadaal dheer u galay nabada ay ku nool yihiin shacabka Galgaduud waxaana u geeriyooday dad” ayuu yiri R/wasaaraha.

“dadka ku dhaqan Galgaduud waxaan ugu hambalyeynayaan sida ay iska kaashadeen in ay iska dul qadaan maleeshiyada kooxda shabaab kuwaas oo caadeystay dhibaateynta dadka shacabka ah” ayuu yiri mudane Saacid.

Safarkan uu ku tagay dagmada Dhuusamareeb R/wasaaraha iyo xubnaha ka tirsan labada gole ayaa ah socdaalkii ugu horeeyay oo uu ku tago qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Idale News Mogadishu