R/wasaare Saacid oo kormeeray xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed “sawirro”

0
214

Booqashada uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya muane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo uu wehliyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya ku tagay xarunta taliska ciidammada Booliska Soomaaliyeed ee Kumando Bolisiya ayee u jeedadeedu aheyd sidii uu u oggaan lahaa xaaladda dhabta ee ay ku shaqeeyaan ciidammada Booliska Soomaaliya iyo in uu ku dhiiragaliyo shaqada culus ee Qaranka u hayaan.

Ra’iisul wasaare Shirdoon ayaa mid mid u booqday xafiisyada taliska ciidammada Booliska kaddibna kulan ay saxaafaddu dibad joog ka aheyd la qaatay ku simaha taliyaha ciidammada Booliska iyo dhammaan saraakiisha kala duwan ee ciidammada.

Intaasi kaddib ku simaha taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeed ahna taliyaha Dugsiga Tababarka Akadeemiyada General Kaahiye Axmed Dayid Dhaga-caleen ayaa warbixin ku aaddan qaabka ay u howlgalaan ciidammada iyo marxalada ay adag ee ay ku gutaan waajibaadkooda siiyey Ra’iisul wasaaraha dalkaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Todobaadkii aynu soo dhaafnay ay dajiyeen qorshaha afarta sanno ee soo socota uu ku shaqeyn lahaa Booliska, dhawaanna ay qaban doonaan shirweyne ay ka soo qeyb-galayaan dalalka deeq bixiyeyaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed si ay u qaabaan qorshahaasi ciidamamdu ay ku howlgali doonaan.

Ugu dmabeyntii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaailya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ammaan iyo boggaadin u soo jeediyey ciidammada Booliska Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyey in waqtigan uu  yahay xiligii ay ugu  amniga wanaagsaneyd magaalada Muqdisho, taasina ay kaalin weyn ku leeyihiin fulinteeda ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha ee  uu ku tagay xarunta Taliska ciidammada Booliska Soomaaliya ayaa sii dhiiragalineysa dadaalka lagu doonayo in lagu kobciyo habsami u socodka howlaha ciidammada Booliska oo ah u adeeggayaasha shacabka Soomalaiyeed, iyadoo ay soo mareen marxalada kala duwan, haddana ay ku jiraan waqtigii isbaddelka, maadaama ay dib u heleen dowlad maamulkeedu uusan KMG aheyn.

Idale News Muqdisho