R/wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa todobaadyo kadib markii hawada uu isku sharreray hadal heynta khilaaf la sheegay in uu kala dhexeeyo Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu ugu danbeyn ka hadlay arinkaasi isaga oo ku sheegay mid been abuur ah oo sal iyo raad toona aan laheyn.
Sheyrdoon ayaa waxa uu taageray in uu dalka gudihiisa iska joogo oo uusan safar dibadeed u bixin isaga oo taa ku macneeyay dadaal dheer oo dowladu wado oo ah in gudaha Soomaaliya marka hore wax dadan laga qabto oo marka gudaha Soomaaliya arinta laga dhiso kadib ay soo bixi karto in dibad loo safro.
Wasiirka koowaad ayaa waxa uu sheegay in innaba hala ekaatee uusan jirin isgariif ama kala aragti duwanaasho kala dhexeysa madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, isaga oo intaa sii raaciyay aysan suuragal aheyn in laba ruux oo isku hadaf arin ka ah ay iska hor yimaadaan isaga iyo madaxweynuhuna ay isku aragti ka yihiin masiirka umadda Soomaaliyeed.
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kasoo kabanaya fowdada iyo kala danbeyn la’aanta ee Soomaaliya ayaa waayahaan hadal heynta ugu badan waxa ay ka aheyn ka hadalka khilaaf lasheegay in uu si kedis ah ugu soo booday madaxda ugu sareysa dalka sida R/wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Idale News Muqdisho