R/Wasaare Kheyre oo magacaabay xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U dhiska

0
222

Idalenews:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u magacaabay Saadaq C/llaahi Cabdi xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

Digreeto maanta ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay xilkan oo ahaa mid banaan tan iyo bishii May markii la dilay Wasiir Cabaas Siraaji.

Warqada magacaabista ayaa lagu faray inuu si deg deg ah xilka ula wareegay, waxaana markii xilkan uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji sii hayay wasiir kuxigeenka Wasaaradda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ku magacaabay Eng. Saadiq C/llaahi Cabdi, inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska.
Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ah nin aqoonyahan ah oo qurba-joog ah, waxaa uu heystaa dhalashada Mareykanka

Magacaabistan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa waxay meesha ka saareysa hadal heyntii ku aadaneyd in xilkan loo magacaabayo nin la dhashay Wasiirkii geeriyooday.

Kuxirnaaw idalenews.com