Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada ayaa maanta ka qeyb galay dibaxyo waaweyn oo maanta ka dhacay fagaaraha beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, iyadoo goobtaasina ay ka qeyb qaadanayeen boqolaal dadweyne oo ka kala socday 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Banaanbaxa oo lagu taageerayay Shirka maanta ka furmay magaladda London ee cariga Ingiriiska, kaas oo ay ka qeybgalayaan Wafdi u hogamiyayay madaxweynaha dawladda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dibadbaxayaasha ayaa waxay halkaasi ku soo bandhigeen Fantasiyo iskugu jiray cayaaro, heeso, buraanburo, gaada ka ciyaar, guuroow iyo shirib., iyadoa ay ka dhex muuqdeen Hoboladda Waaberi iyo barbaarta gaashaaman iyo ciyaartooy ka kala socotay degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa sheegay in banaanbaxaan uu yahay mid lagu taageerao shirka Arimaha Soomaaliya ee ka socda Magaalada London ee dalka Uk, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeedna ay u taagan yihiin taageerada Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka hadalay banaanbaxaasi ayaa sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir ay taageersan yihiin shirka maanta ka furmay Lodon taasina ay markhaati u tahay isu soo baxaan maanta ka dhacaya gobolka banadir, wuxuuna sheegay in xukuumad ahaan ay si weyn ugu kalsoon yihiin inay ka soo baxaan Go’aano lagu hormarinaayo dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in munaasabadani ay ka tarjumayso sida shacabka Soomaaliyeed ay u taageersan yihiin shirka ka furmay London ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo., waxana uu hoosta ka xariiqay in shirkaasi ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dawladood, Hay’addo caalami ah ururo goboleydyo, Dawladda Soomaaliyeedna ay u tahay fursad weyn ee maanta ay gartay.
Dr Saacid waxaa kaloo uu shegay in shirkaasi qodobadda ugu muhiimsan ee lagu soo qaadayo ay ka mid yihiin, Nabadda, Sugidda cadaladda, Dib u dhiska dalka iyo dhaqaalaha in laga kaalmeeyo sidii ay soomaliya cagahedda iskugu taagi laheyd, waxaana uu u rajeeyay in ay ka soo bixidoonaan qodobo muhiim u ah dalka Soomaaliya.
Magaalada London ee dalka Uk ayaa waxaa ka furmay shirka looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya oo ay wada Guddoominayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka UK.
Idale News Muqdisho