Reer Kismaayo oo wadnaha farta ku haya

0
209

dsrer3r3546576gy6tyutydert

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ayaa sheegaya in Saan-saan colaad laga dareemaayo gudaha Magaaladda iyo Deegaanada ku xeen-daaban.

Maxamed Nur Axmed oo ku sugan Magaaladda Kismaayo ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyay in Wadooyinka Magaaladda Kismaayo lagu arkayo Ciiddamadda Raaskambooni oo ku hubeysan Hubka noocyadooda fudfudud wuxuuna sheegay in Wadooyinka qaar lagu arkayo Gaadiidka dagaalka Ciiddamadad Raaskambooni oo aan horay loogu arki jirin wadooyinka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Ciiddamadad Dowladda Somalia ay dhufeysyo iyo Xarumo hor leh ka sameysteen Daafaha iyo Gudaha Magaaladda Kismaayo, waxa ayna wararku sheegayaan in Ciiddamo dheeri ah oo ka tirsan kuwa Dowladda ay dhawaan ka soo baqooleen Gobolka Gedo kuwaasoo ku si rasmi ah ugu biiray Ciiddamadii horay u joogay Kismaayo.

Dhawaan ayee ahayd markii Maamulka KMG Kismaayo iyo Odayaasha ka digayeen in Magaaladda Kismaayo lagu dagaalamo taasoo ay iminka u muuqaneyso mid aan la tixgalin.

Idale News Muqdisho