Rajadii Beeraha Degmadda Afgooye oo soo laabatay

0
264

Wararka naga soo gaaraya dhanka Degmada Afgooye ayaa sheegaya inay soo laabatay rajadii laga qabay soo bixitaanka Beeraha ku yaala Degmadda Afgooye oo mudooyinkii dambe laga waayay soo saarkii looga bartay Beerahaasi
Hooyo Safiya Xasan oo la hadleysay Shirkadda soomaalidamaanta ayaa u xaqiijisay in iminka dadka Degmadaasi kunool ay heleen Adeegii beeraha waxa ayna sheegtay in iminka Beeraha ay bilaaben inay wax soo-saar sameeyan, Hooyo Safiya ayaa dhanka kale sheegtay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay weysanaayen Adeegyada beeraha ee wax soo saarka waxa ayna sheegtay inay ku habsatay abaar rabaani ah.

Sidoo kale Hooyo safiya ayaa sheegtay in xilligaani ay beerteeda kasoo saarato nolol maalmeedkeeda iyada oona sheegtay in muuqato bilicda Beeraha waxa ayna xustay inay muddo ahayd hooyo ku duceysaneysay in Eebe uu ka dul-qaado Abaaraha balse iminka ay heshay wax soo saarka Beerteeda sida ay hadalka u dhigtay
89Si kastaba ha ahaatee Hooyo Safiya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay sida ay iminka ku socto Beerteeda waxa ayna sheegtay in alle uu ka dul-qaaday abaarihii islamarkaana Degmadda Afgooye ay ka dhalatay dowladda lagu kalsoon yahay kadib markii Degmadaasi laga saaray Argagixisadda Somalia oo in mudda ah cadaadin ku haayay dadka Deegaanadaasi kunool.

Idale News Muqdisho