Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay mas,uuliyiinta Kooxda fanka ee WaayahaCusub kuwaasoo saldhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Xubnahan oo isugu jira Qurbajoog,ajaanib iyo hogaanka kooxdaasi ayaa Waxaa hogaaminayay Shiine akhyaar oo ah gudoomiyaha kooxdan
Kulankaan oo mudo qaatay ayaa waxaa looga hadlays idii loo hirgalinlahaa Barnaamijyo ay wado kooxdu kuwaasoo ay ku damacsantahay inay wacyigelin Uga sameyso deeganadii ugu danbeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab si ay Qeyb uga qaataan hirgelinta nabadda iyo isdhexgalka bulshada soomaaliyeed
Howshan wacyigelinta ah ayey horay kooxda waayaha cusub uga bilowday Degmooyinka Lafoole iyo Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose waxaana Hadda la qorsheynayaa in laga hirgeliyo deegaano kale.
Ra’iisulwasaaraha ayaa uga mahadceliyey kooxda Waayaha Cusub sida ay ugu Soo dhiiradeen inay wacyigelin kasameeyaan gudaha dalka gaar ahaan Magaalooyinka laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Ra’isuwlasaare Saacid ayaa sidoo kale sheegay in dowladu gacan ku siin Doonto kooxdan Waayaha Cusub iyo cidkasta oo qeyb ka qaadaneysa wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha kooxda Shiine Akhyaar ayaa isna dhankiisa yiri’
“ Waxaan u nimid dalka sidii bulshada aan u wacyigelinlaheyn islamarkaan Aan qeyb weyn uga qaadan laheyn dib udhiska wadanka.
Idale News Muqdisho


