Wararka naga soo gaaraya dhanka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa sheegaya in Raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Somalia ay la kulmeen Saraakiisha Xukuumadda Somalia ee Gobolka Sh/hoose
Raisul wasaare Shirdoon iyo C/xakiin Haji Fiqi ayaa Saraakuusha ku wargaliyay in Xukuumadda aysan u dul-qaadan doonin Askarta wax yeeleyneyso Shacabka waxa ayna sidoo kale ugu baaqen Saraakiisha inay xoojiyaan amaanka Magaaladda Marka iyo daafaheeda
Sidoo kale Xubnihii la socday Raisul wasaaraha ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay masuuliyiinta Xukuumadda u qaabilsan Gobolka Sh/hoose waxa ayna intuba kawada hadleen sidii loo adkeyn lahaa Magaaladda Marka maadama ay tahay Magaalo muhiim u ah Xukuumadda Somalia
Si kastaba ha ahaatee Raisul wasaaraha iyo Wasiirka Gaashandhiga ayaa sheegay in Xukuumadda ay il gaar ah ku hayso Askarta wax yeeleyneyso Shacabka balse ay la xisaabtami doonan Askarigii geesta falal argagax galiya Shacabka.
Idale News Muqdisho