Ra’isul wasaare Saacid oo Mareykanka ka codsaday in la cafiyo Ra’isul wasaarihii Dowladdii Kacaanka

0
207

Dowladda Cusub ee Somalia oo dhawaan Mareykanka Aqoonsaday ayaa ka codsatay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka in cafis loo fidiyo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Gen Mohamed Ali Samantar, kaasi oo lagu helay dambiyo ka dhan ah Aadminimada.

Qoraal uu Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Somalia, Abdi Farah Shirdoon ”Saacid” uu todobaadkii hore u diray Mareykanka ayuu kaga dalbaday in cafis loo fidiyo Gen. Samantar oo haatan ku nool Magaaladda Fairfax ee Mareykanka.

Qoraalkas cafis-doonka ee loo diray Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa la filayaa inay  gacan ka geysto sidii Maxkamada Kiiskas hayso u laali lahayd dambigaas.

Gen Samanter oo isagu Ra’isul wasaare ka ahaa Dowladdii  Kacaanka, ayaa waxaa sanadkii hore lagu xakumay inuu lacag mag-dhaw siiyo todobo ruux oo dhibanayaal ah kana soo jeeda Beesha Isaaq ee Somaliland, kuwaasi oo sheegay inuu ka dambeeyay Jir-dil iyo dilal loo geystay dad ay isku beel yihiin.

Garsooraha Maxkamada magaaladda Alexandria ee dalka Mareykanka ayaa xukumay inuu Ali Samanter bixiyo lacag dhan 21-million oo mag-dhaw ah.

Gen. Samanter waxa uu dhowr sano ka gilgilanayay xukunka Maxkamadaha Mareykanka, isagoo sheegay inaysan xaq u lahayn inay qaadan dacwado Khuseeya Arrimaha gudaha Somalia, wuxuuna beeniyay inuu wax qalad sameeyay ama uu dilay mudadii uu xilalka sare ka haayay Dowladdii Siyaad Barre mudadii u dhexeysay 1980-aadkii ilaa 1990-aadkii.

Dhinaca kale, Garyaqaanka u doodaya Gen. Samanter ayaa rajeynaya inay Dowladda Mareykanka ogolan doonto codsiga ka soo gaaray Dowladda Somalia iyo inay laadi doonto dacwadaasi.

Garyaqaanka oo lagu magacaabo Joseph Peter Drennan, ayaa sheegay inuu berrito Maxkamada Sare ee Mareykanka (U.S. Supreme Court),u gudbin doono faylal waraaqa ah si ay u tuurto kiiskas.

” Waxaan si buuxda u rajeyneynaa inuu Mareykanku xushmeyn doono codsiga cafis-doonka, iyadoo Dowladda Somalia rajeyneyso in la cafiyo Gen. Samanter” ayuu yiri Garyaqaankaasi, waxa uuna intaa ku daray inay Dowladda cusub ee Somalia dooneyso in laga gudbo dacwooyinkii hore ee nidaamka Beelaha aasaaska u ah, sida dacwada ay xubno ka tirsan Beesha Isaaq u gudbiyeen Maxkamadda Magaaladda Virginia.

Saraakiil ka tirsan Waaxda warfaafinta ee Arrimaha Dibadda Mareykanka wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan Arrinta codsiga Ra’isul wasaaraha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Saacid oo isaga xitaa ka mid ahaa Saraakiisha la soo shaqeysay Dowladdii Siyaad Barre ayaa waxa uu codsigiisu yimid iyadoo Dowladda Mareykanka dib u aqoonsatay Somalia bilowgii sanadkan.

Idale News Muqdisho