Ra’iisul Wasaare Saacid Shirdoon oo beri barlamaanka kala hadli doona qorshaha xukuumada uu soo dhisi doono

0
270

Iyadoo Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari uu ka dalbadey Madaxweyne Xasan inuu Ra’iisul Wasaaraha cusub hor keeno barlamaanka muddo labo cisho gudahood, ayaa masuuliyiinta sare ee dowladda isla garteen in maalinta Arbacada Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon barlamaanka hordhigo qorshihiisa siyaasadeed ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin isaga iyo xukuumada uu soo dhisi doono dhowaan.

 Kulamo wada tashi ah ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa uu si gooni gooni ah uga socday Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho taasoo laga tashanayo Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaanta uu magacabay Madaxweynaha Soomaaliya Saacid Faarax Shirdoon .Kulamadan wada tashiga ah ee laga yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha horgeyntiisa Baarlamaanka ayaa iminka soo gaba gaboobeysa iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna isu diyaarinayo sidii uu barlamaanka u tegi lahaa

Mid ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka oo u waramayey idaacadaha maxaliga ee ka jira Muqdisho ayaa sheegay in Qodobka Dastuurigu uu yahay in Ra’iisul Wasaaruhu uu hor yimaado Barlamaanka kaddibna la ansixiyo kaasoo loo igmanayo inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada mar kalena dib loo hor keeno Baarlamaanka sidaasna xukuumaddu ku ansaxdo.Daahir Amiin Jeesoow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Wasiirada ay Xukuumaddu yeelanayso laga yaabo in ay noqoto Sideed iyo Toban Wasiir ka badan aysan dawladdan awood u lahayn dhaqaale ahaan.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaanka ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhawaan Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ay ay weydiisteen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya in muddo Seddax maalmood gudahooda uu Baarlamaanka ku hor keeno Ra’iisul Wasaaraha si loo ansixiyo.

Ugu danbayntii Xildhibaanka ayaa sheegay in aysan ka hor dhacayn ansixinta Ra’iisul wasaaraha la filayo in maalinta berri ah la hor keeno Baarlamaanka isagoona ku gaabsaday in ay ansixinayaan oo keliya qof wax ka qaban kara Xaaladda Soomaaliya ka jirta.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com