Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarah Shirdoon “Saacid” ayaa la filaayaa maanta inuu hortago barlamaanka si uu khudbad ku saabsan qorshahiisa siyaasadeed ugu jeediyo halkaas, ka dibna xubnaha barlamaanku codka kalsoonida siiyaan ama u diidaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumada uu soo dhisi doono dhowaan.
Sida ku cad Dastuurka KMG Soomaaliya, u qaadista codka kalsoonida Ra’iisul & Xukuumadiisa ayaa ah hal mar oo kaliya, halka Axdigii hore ee KMG Soomaaliya sheegayey labo jeer in la horgeyn jirey Barlamaanka oo ah magacaabista Ra’iisul Wasaaraha iyo marka uu soo dhameystiro dhismaha Xukumadiisa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii u dambeeyey wada tashi la lahaa xildhibaanada Soomaaliyeed si uu ugu dhaadhicyo xubnahaasi qorshe howleedkiisa siyaasadeed iyo qaabka ugu haboon oo loo heli karto xubno wasiiro oo karti iyo aqoon leh, isla markaasna ku saleysan qaabka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed.
Warar qaar oo laga soo xigtey masuuliyiinta dowladda ayaa waxay sheegayaan in xubnaha barlamaanka qaarkiis ay door bidayaan in codka kalsooni u qaadista Ra’iisul Wasaaraha noqoto oo kaliya marka Ra’iisul Wasaaruhu dhiso xukuumadiisa, hase ahaatee ay haboon tahay in laga dhageysto ama u soo gudbiyo barlamaanka qorshe-howleedkiisa siyaasadeed muddada afarta sano.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com