Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in muddo gaaban oo aan ka badneyn isbuuc ama 7 cisho gudahood ku soo dhisi doono xukuumad tayo leh, taasoo daryeeli doonta dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada dalka si loogu guuleysto Xasilinta waddanka Soomaaliya.
Wareysi gaar ah oo Mudane Saacid Shirdoon siiyay Idaaacada Maxaliga ee Magaalada Muqdisho ka dib markii uu Baarlamaanka ka helay codka kalsoonida ku sheegay in ay dhiirro galin u tahay in golaha shacbiga Soomaaliyeed ay cod taariikhi ah ugu oggolaadaan inuu soo dhiso xukuumad uu hoggaamin doono Afarta sano ee soo socota.
Wareysgiiisa ayuu Ra’iisul Wasaare Saacid ku sheegey in Qodobada ugu horreeya ee ay xukuumaddiisu wax ka qaban doonto ka mid yihiin ammaanka oo loo marayo dib u dhiska ciidamada iyo waliba dabooliadda baahida ciidamada iyo daryeelkooda, Ayadoo la xoojinayo horumarka ay hadda sameeyeen ciidamada XDS.
Sidoo kale wuxuu R/wasaaruhu tilmaamay in dowladdu ay il gaar ah ku eegi doonto dhammaan dadkii ku waxyeeloobay difaaca dalka oo ay ku jiraan ciidamada naafada XDS oo uu sheegay in uu la socon doono xaaladdooda nololeed.
Golaha shacabka ayaa codka kalsoonida siiyay R/wasaare Shirdoon si uu u soo dhiso xukuumaddii ugu horreeysay ee aan KMG ahayn muddo 20 sano ah kaddib. Ayadoo 215 mudane oo fadhiayay golaha ay codka wada siyeen, natiijadaasi oo aan horay uga dhicin Baarlamaan Soomaaliyeed oo cod u qaadaya R/wasaare cusub.
Mudane Saacid Shirdoon ayaa in dhawaale ku guda jirey wada tashiyo uu la lahaa xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale si uu dhageysto fikiradaha iyo qaabka ugu haboon ee loo heli karo xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta dhibaatada gaamurtey ee aafeeyey nolosha dad badan oo Soomaali ah.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenws@yahoo.com