Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka ku sii jeeda Dhuusa Mareeb

0
227

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku sii jeeda degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo qaban qaabo iyo diyaar garow lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ay ka socoto.

Sida ay sheegayaan wararka booqashadan oo ah tii u horeysay oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tagi doono Gobolada Dhexe ayaa qeyb ka ah socdaalo uu mudooyinkii u dambeeyay ku tagayay qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Boqolaal dadweyne oo reer Dhuusa Maereeb ayaa saaka isugu soo baxay wadooyinka, si ay u soo dhoweeyaan, waxaana saaka hakad ku jira School-lada iyo goobaha ganacsiga, waxaana Maamulka Gobolka Galgaduud uu maalmihii u dambeeyay waday qaban qaabo uu ku soo dhoweynayo Wafdiga.

Ammaanka Garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb ayaa waxaa la wareegay cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, kuwaasoo shalay gaaray Dhuusa Mareeb.

IMG_7237

Sidoo kale Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ayaa wada howl galo ammaanka lagu xaqiijinayo,waxaana ciidamada ay gaaf wareegayaan gudaha iyo daafaha magaalada.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay muddo labaatan sano ah oo Mas’uul ka mid ah kuwa u sareeya dowladda Soomaaliya uu ku tago degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Galgaduud, halkaasoo afartii sano ee u dambeeyay maamulayeen Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo dagaalo la galay Xarakada Al-Shabaab.

Idale News Muqdisho