Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa soo dhoweeyay wada hadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusa Mareeb Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa rajo wanaagsan looga muujiyay wada hadaladaas, iyadoo loogu baaqay labada dhinac inay muujiyaan dabacsanaan, isu dhega-nuglaan iyo Soomaalinimo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda ay kaalin mug leh ka qaadan doonto fududeynta iyo ka mira dhalinta shirkaasi, la isugu keenayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusunnah Wal Jameeca, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in laga gudbo khilaafka loona gudbo is faham iyo wax wada qabsi.
“Waxaan rajeynayaa in wadahadaladaasi ay miro dhalaan, ka xukuumad ahaana waxaan la garab istaagi doonaa taageeradeena” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ugu baaqay dhamaamba siyasiyiinta, waxgaradka, iyo nabadoonada Soomaaliyeed inay taageeraan wadahadaladaasi.
Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay labada dhinac ku qancisay inay wada hadlaan, kadib markii dhowaan Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo Hogaamiyeyaasha Ahlusuna ay booqasho ku tageen magaalada Addis Ababa.
Ahlusuna ayaa gacanta ku heysa degmada Dhuusa Mareeb oo ah Caasimada Galmudug iyo degmada Guriceel, waxaana khilaaf iyo loolan kala dhaxeeyaa Maamulka Galmudug oo ay horay u qaadacday dhismihiisa.
Maamulka Galmudug ayaa si KMG ah ugu shaqeynayay degmada Cadaado oo aheyd halkii lagu doortay C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana la filayaa in wada hadalada ka furmi doona Dhuusa Mareeb inuu suura geliyo in Galmudug ay ka baxdo xeyndaabkii koobnaa ee ay ku jirtay, isla markaana noqotay maamul ku baahay deegaanada Mudug iyo Galgaduud.
Idale News Online, Muqdisho