Guddi farsamo oo ka kooban 10 xubnood oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shir uga socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ay uga hadlayaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2020.
Guddigan oo horay lagu go’aamiyay Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee bishii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa xubno ka ah maamul goboleedyada, Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Gobolka Banaadir.