Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada Finland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey weerar nin aan weli la aqoonsan ku soo qaadey Ra’iisul Wasaaraha dalka Finland, Mr Katainen, mar uu ku guda jiray socdaal dalka gudihiisa ah. Sida ay wararku sheegayaan waxaa weerarkaas geystey nin ku hubeysnaa Mindi oo aad ugu soo dhowaadey Ra’iisul Wasaaraha.
Sida ay ku warantey wakaalada Fransiiska ee AFP, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku jirey ololihiisa doorashada waxuuna booqanaaya magaalada ku taala koonfur bari dalkaasi oo lagu magacaabo Turku. Ninkaas weerarka soo qaadey ayaa si aad ah ugu soo dhowaadey isagoo doonaayey inuu dhuunta sare mindida ka geliyo Ra’iisul Wasaaraha, laakiin Ilaaladiisa ayaa ku guueleystey iney qabtaan ninkaas ka hor inta uusan dilka geysan.
Afhayeen u hadlay dowlada Finland ayaa warbaahinta u sheegey in Ra’iisul Wasaare Katainen oo 41 sano jir ah lagu weerar mindi isagoo xiligaas salaam gacan qaad ah la dhex marayey taageerayaashiisa doorashada dhici doonto maalinta Axada ee soo socota. Weerarka ayaan wax dhibaato ah ka soo gaarin Ra’iisul Wasaaraha dalka Finland, dhacdadaasi ka diba waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadey ololihiisa doorashada iyo gacan qaadka taageerayaashiisa.
Dhanka kale sawir qaade goobtaasi ku sugnaa ayaa sheegay in ninka isku deyga dil loo qabtey uusan u ekeyn qof doonaayey inuu wax dhibaato ah geysto ama weerar toos ah geysto balse waxuu sheegey in ninkaasi u ekaa taageerayaasha Ra’iisul Wasaaraha oo markaasi muujinaayey awood sheegasho balse nasiib daro uu kufay isagoo dhanka ra’iisul wasaaraha u socda, taasina ay dhalisey shaki ama dareen ilaalada ammaanka Ra’iisul Wasaaruhu ka qaadeen ninkaas, ka dibna isku duubay oo qabtey.
Ninkaan ayaa la geeyey Xarun booliis oo goobta ka dhoweyd halkaas oo su’aalo lagu weydiiyo. Ilaa iyo haddana wax war ah kama soo bixin ciidamada baarintaankaas ku howlan.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Finland ayaa ah masuulka ugu horeeya siyaasiyiinta kale ee la tartameysa, waana hogaamiyaha xisbiyo badan oo isu tagey, kuwaasoo si weyn ugu guuleystey doorashadii dhacdey 2011.
Xigasho: AFP
Home Idale Somali News Update Ra’iisul Wasaaraha Finland oo ka badbaadey isku day dil oo mindi lagu...