Ra`iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa Midowga Reer Yurub kala hadlay xaalada Dalka Soomaaliya

0
249

Ethiopia

Ra’iisal Wasaraha Ethiopia Hayla Maryam Desalin ayaa magaalada barasalis ee xarunta Dalka Biljimka kula kulmay xubnaha baarlamaanka midawga yurub waxana uu kusoo hadal qaaday dhacdooyinki ugu danbeyay ee Dalka Soomaaliya.

Talafishinka qaranka Ethiopia ayaa sheegay in Mr. Desalin uu u xaqijiyay xubnaha barlamaanka Midawga Yurub in dowladiisa ka go`an tahay ka qeyb qaadashada hanaanka nabad kusoo dabaalida Dalka Soomaaliya.

Desalin ayaa sidoo kale waxa uu ku wargaliyay xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub in Besha Caalamka ay ka run shegaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada Dowladaha Goblka kusugan ay ku doonayaan xaqijinta amaaanka iyo nabad gelyada Dalka Soomaaliya.

Ethiopia waxa ay kamid tahay Dowldaha Gobolka kusugan ee faragalinta tooska ku leh siyaasada Dalka Soomaaliya iyadoona ay ciidamo kaga sugan yihiin hada Dalka Soomaaliya gudihiisa.

Idale News Muqdisho