Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka booqday goob maqaaxi ah oo ay ku geeriyoodeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo kala ahaa, Marxuum Yuusuf Mire Seeraar iyo C/weli Ow-Maxamuud kadib markii qof naftiisa haligay uu isku qarxiyay xilli ay howlo shaqo u joogeen degmada Dhuusamareeb bishii May 02 sanadii hore.
Ra’iisal Wasaaraha oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo Wasiirada arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga ayaa waxay ubax dhigeen goobta dhimashadu ka dhacday, iyaga oo u duceeyey quraana ku dul aqriyay.
Ra’iisal Wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa xusay in xildhibaanada halkan ku geeriyooday ay ahaayeen xildhibaano Qaran isla markaana mudan in mar kasta madaxda iyo shacabkuba ay xasuustaan, maadaama ay naftooda ku waayeen howl Qaran.
Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo indha indheeyey halkii uu ku dhashay ee degmada Dhuusamareeb, wuxuuna xusay in magaalada Dhuusamareeb ay taariikh gooni ah ku leedahay maadaama uu ku dhashay kuna soo barbaaray illaa dugsiga H/dhexena uga soo baxay.
Idale News Muqdisho