Shirka dib u heshiisiinta degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka furmay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaa kulankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
Waxaa kulanka ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Xildhibaano iyo odayaal dhaqameed.
Kulankan ayaa la sheegay inay goobjoog ka yihiin Xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ka soo kala jeeda Beelo horay ugu dagaalamay magaalada Marka, waxaana ujeedka yahay sidii dib u heshiisiin rasmi loo kala dhex dhigi lahaa.
Magaalada Marka ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay aheyd xaaladeeda mid qasan oo ay hareeyeen colaado soo noq-noqday, waxaana burburay heshiisyo horay looga gaaray colaadaas.