Qunsulka Soomaaliya U fadhiya dalka Yemen oo la kulmay dhigiisa wadanka Ruushka.

0
204

Kulankan ay magaalada Cadan ee dalka Yemen ku yeesheen Qunsulka guud ee Soomaaliya Ufadhiya dalka yemen Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaani iyo Qunsulka Wadanka Ruusha u jooga Magaalada Cadan Mudane Shamil utoef ayaa Waxaa looga hadlay sidii uu Ruushku kor ugu qaadilahaa xiriirka saaxiibtinimo ee Kala dhaxeeya Soomaaliya iyo sida ay muhiim u tahay in dalkeena ay ka Taageeraan dhinacyada horumarinta sida tababarada ciidamada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxa uu qunsul Axmed Suudaani uga warbixiyay dhigiisa dalka Ruushka u jooga Magaalada Cadan isbedelka ay gashay Soomaaliya iyo hogaanka cusub ee ay Yeelatay maadaama ay kabaxday KMG nimo islamarkaana ay yeelatay dowlad Rasmi ah oo dadaal dheer ugashay sidii maamaulka loo hagaajinlahaa loona Balaarinlahaa nidaamka dowladnimo.

Waxa uu dhinaca kale uga sheekeeyay in Soomaaliya ay xiligan u heelantahay sidii Dib loogu soo nooleynlaha xiriirkii qotoda dheeraa ee ka dhexeeyay Soomaaliya Iyo  wadanka Ruushka isagoo ku booriyay in Ruushku qeyb weyn ka qaato sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka si dib loogu dhiso Hay,adihii Amaanka wadankeena.

Mudane Axmed Suudaani ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay maalin Weliba joogto u yimaadaan wufuud caalami ah oo ka kala socota caalamka Kuwaasoo diyaar u ah in Soomaaliya ay wax la qabtaan Ruushakana looga Baahanyahay inay kaalintooda qaataan si loo soo celiyo xiriirkii 2 dal ka dhaxeeyay

Qunsulka Guud ee Wadanka Ruusha u jooga Magaalada Cadan ee dalka Yemen Mudane Shamil utoef ayaa uga mahadceliyay dhgiisa Soomaaliya warbixinta iyo Ididiilada nabadeed ee uu usharaxay waxa uuna sheegay inay ka Qeybqaadanayaan tababarada ciidamada qalabka sida iyo kaabayaasha Dhaqaalaha wadanka intaba isagoo xusay inay si joogto ah u taakuleeyaan Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Yeman.

Idale News Muqdisho