Qoraal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo lagu sheegay in Kenya ay ku soo wajahan yihiin Weeraro Argagixiso

0
223

iii

Warbixin dheer oo ka soo baxday Safaaradda Dowladda Maraykanka ee Nairobi ayaa waxaa Dowladda Madaxweyne Uhuru Kenyatta looga digay inay ka Feerjignaato Weeraro Is miidaamin ee kaga imaada Dhanka Kooxaha Xagjirka Somalia ee Alshabaab.

Qoraalka Safaaradda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in Maleeshiyadda Alshabaab ay qorsheynayaan Weeraro ay ka fuliyaan Guud ahaan Magaaladda Nairobi, waxaana qoraalkaasi lagu sheegay inuu jiro Habacsanaan dhanka Ammaanka ah.

Safaaradda Mareekanka ee Magaaladda Nairobi ayaa waxa ay Ammaanta habka ay Ciiddamadda Kenya u wiiqeen Awooda Al Shabaab ayna Uga Feejiganyihiin Weeraro Al Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaasi.

Qoraalka laga soo saaray Xafiiska Danjiraha Maraykanka ee Magaaladda Nairobi ayaa waxa uu barbar socdaa Digniino hore oo ay Dowladda Maraykanka uga digtay Dowladda Kenya taasoo salka ku haysay in Kooxaha Xagjirka Somalia ee Alshabaab weeraro ka geystaan Dalka Kenya.

Idale News Muqdisho