QM oo walaac ka muujisay Xaaladda nololeed ee Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

0
287

New-York  ( INO)_Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaaladaha Dhinaca cunada ee Somalia gaar ahaan Gobollada koofurta iyo Bartamaha Somalia oo wax soo saarkooda uu yaraa xilligii Guga ee la soo dhaafay.

Xafiiska isku xirka Howlaha Gargaarka bani’aadanimo Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa dhawaan soo bandhigay in wax soo saarka Dalagyada uu si aad ah hoos ugu dhacay.

Hoos u dhacaasi ayaa waxaa OCHA ay sheegtay in ay keentay roobabkii Guga  oo aad u u yaraa iyo sidoo kale Fatahaado xoogan oo ku dhuftay qaar ka mid ah Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe kadib qiimeyn uu sameeyay Mashruuca Badbaadada Cunada ee FSNAU oo ka tirsan hay’adda Cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay FAO.

Qaramada midoobay ayaa xustay in sidoo kale laga cabsi qabo in xilliga Roobabka Dayrta ee October iyo December ay noqon doonto kuwa roobabka ay yaraan doonaan taasoo saameyn ku yeelan doonto guud ahaan Gobollada  Somalia.

Fatahaadihii ku dhuftay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa saameeyay ku dhawaad 70,000 oo dad ah oo qaarkood degan dhinaca xeebaha sida ay warbixinteeda ku sheegtay FSNAU.

Qaybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland oo ay saameysay dhibaatadi ELNINO ayaa cuno yari xoogan wajahay 385,000 oo ruux halka 1.3 milyan oo kalena ay halis ugu jiraan cuni yari ka dhashay abaarihi ELNINO  ee Gobollada Waqooyi ee Somalia.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.