QM oo ka Hadashay Doorashada Soomaaliya

0
170

Muqdisho(INO)- Qarmada Midoobay ayaa waxa ay ka Doorashada Soomaaliya, gaar ahaan xilliga ay dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Joseph Contreras,  ayaa waxa uu sheegay Doorashada Soomaaliya muhiim in ay tahay in ay ku qabsoonto waqtiga loogu tala galay.

Waxa uu sheegay Doorashada Soomaaliya hadii ay gaarto sanadka 2017-ka in ay ka dhalan karto khatar iyo dirir dheeraad ah, maadaama Doorashooyinka loo qorsheeyay in ay ku dhacaan sanadkan.

“Waa in la fiiriyaa danaha shacabka Soomaaliyeed waxaa muhiim  ah Doorashooyinka Soomaaliya in ay aysan dhaafin sanadka 2016-ka, hadii ay taas dhici weydana waxaa laga yaabaa in ay bilaabmaan khatar iyo dirir dheeraad ah” Ayuu yiri Afhayeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Joseph Contreras.

Qaramada ayaa sidoo kale sheegtay in ay bixi karaan dhaqaalo kale oo dheeraad ah amni daradana ay sii badan karto, hadii Doorashada Soomaaliya ay dhaafto waqtigii loo qorsheeyay.

Ugu dambeyntii Joseph Contreras Afhayeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxda Dowladda iyo Guddiga Doorashooyinka ka codsaday in ay da dejiyaan inta yar ee ka harsan Doorashooyinka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose si loo guda galo Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Soomaaliya.