Qeybtii u horeysay Ciidamo ka tirsan dowladda oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa maanta ka soo degay magaalada Muqdiho, kadib markii ay soo dhameysteen tababar ciidan oo muddo u socday.
Askartan oo gaareysay 553-askari ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiir kuxigeenka Wasaarada, Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka, Taliyaha howl gelinta AMISOM iyo Saraakiil.
Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo la hadlay Ciidamada tababarka u soo dhamaaday ayaa ugu hambalyeeyay in dalkooda dib ugu soo laabtaan, isagoo xusay inay sugeysay howl adag.
“Waa salaaman tihiin, waxaa idinku soo dhoweynayaa dalkiina hooyo, muddo ayaa tababar dalka dibadiisa ugu maqneyd, waxaa farxad ah inaad ku soo noqotaan idinkoo ciidan ah, waa Horintii u horeysay oo dalka ku soo laabata”ayuu yiri C/xakiin Fiqi.
Mr Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyad gaar ah siineyso dib u dhiska Ciidamada iyo sidii loo xoojin lahaa, isagoo ka dhawaajiyay in ciidamadan muddo gaaban ay qaadan doonaan tababaro la xiriira wacyi gelin, hab dhaqanka dadka iyo anshaxa.
“Waxaa idin suga waajibaad adag in waajibaadka aad gudataan, naftiina qaaliga ah aad u hurtaan difaaca dalka, inaad shacabka kasbataan, soo noqoshadiina waa fursad weyn ayay noo tahay, cadawga wuxuu ku haray meelo fara ku tiris ah”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.
Askartan ayaa waxaa dalka Uganda ku tababaray Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub, iyadoo ciidamadan la filayo inay qeyb ka noqdaan howl galka Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobolada dalka.
Dowladda KMG aheyd ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ciidamo fara badan tababar ugu dirtay dalalka deriska, iyadoo ciidamada ugu badan ee lagu soo tababaray dalalka qaar ay xilligan ka qeybq aadanayaan howl galada ka socda gobolada dalka ee Al-Shabaab loogala wareegay deegaano badan.
Idale News Muqdisho