Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dalka Kenya Oo Ka Cawanaya Hay’ada WFP

0
246

Dhadhaab (INO) — Boqolaal kamid ah Qaxootiga Soomaaliyeed, ee ku nool Xeryaha Dhadhaab ayaa Xeradaasi ka dhigay Dibaxbax ka dhan ah Hay’adda QM u qaabilsan Cuntada ee WFP.

Teaser Image Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo ka cawanaya WFP {Dhageyso}

Qaxootiga ayaa kasoo horjeeda 13 Shaqaale ah oo Dadka Deegaanka kamid ah oo WFP Shaqada si aan hufaneyn uga cayrisay, kadibn kuwa kale oo ay ka keentay Gobolada kale ee dalkaasi Kenya.

Baabuurta Hay’adda WFP ayaa loo diiday inay tagaan Xafiisyadeeda ku yaalla Xeryaha Dhadhaab, kadib markii ay saameyn ku yeesheen Dibadbaxyada & Kacdoonka looga soo horjeeda ee ka dhacaya Xeryahaasi, oo ay ku nool yihiin Nus Malyuun oo Soomaaliya ah.

Dibad-baxayaasha ayaa ugu baaqay Kenya inay soo farageliso Xaaladda, kahor inta Kacdoonka socda isku bedelin Dagaal u dhaxeeya Beelaga deggan Dhadhaab & WFP.

Dhadhaab waxay kulmisaa 4 Xero oo kala ah Dhagaxleey, IFO1, IFO2, Hagardheere & Kaambiyoos, waxaana ay furan yihiin Mudo 24 Sano ah, iyadoo Dadka ku nool ay u badan yihiin Soomaali kasoo cararay Dagaalka Sokeeye ee dalkaada ka dhacay 1991.

Idale News Online – Dhadhaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here