Qaxooti Ka Noqdey Dhadhaab Oo Ka Cabanaya Inaan Lagu Taagyeerin La Qabsiga Noolasha Cusub Ee Baydhabo

0
227
Baydhabo(INO)- Khadiijo Ibraahim Cali oo ah hooyo 12 carruur ah haysata oo saddex bilood ka hor ka noqotay xerada IFO ee Dhadhaab ayaa sheegtay in aanay weli helin taageero ay hay’adda UNHCR u ballan-qaadday markii ay Soomaaliya ku soo noqoneysay. Waxay deggan tahay xero barakac oo labo bilood ka hor barakacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay looga dhisay dadka ka soo noqonaya Dhahaab, halkaas oo ay sheegtay in iyada iyo carruurteeda ay ku haysato dayacaad dhinaca nolosha ah.

Waxay iyadoo Warbaahinta la hdleysay tiri: “Waxay UNHCR noo sheegtay inay na siin doonto dhaqaale aan muddo sagaal bilood ah raashin ku iibsanno, inay naga bixin doonto kirada guryaha muddo lix bilood ah iyo inay naga taageeri doonto waxbarashada carruurta.”

Khadiijo ayaa ka mid ahayd haween ay tiradooda ku dhow dahay boqol qof oo 20-kii Sebtember magaalada Baydhabo ka dhigay dibadbax ay uga cabanayeen caawimaad la’aantaas. Waxay socod ku tageen xarunta wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Jaaliyadaha ee Dowlada Koonfur-galbeed iyo idaacadaha oo cabashadooda baahiyay.

Ibraahim Sheekh Maxamed oo ah 70 jir curyaan ah oo uu qoyskiisu ka kooban yahay shan carruur ah iyo hooyadood ayaa Warbaahinta u sheegay in intii aanay Dhadhaab ka guurin loo ballan-qaaday inay heli doonaan wax kasta oo ay xeryaha ku heysteen. Laakiin uu hadda ka walaacsan yahay waxa ay xaaladdooda ku dambeyn doonto labo ka tirsan carruurtiisa oo aan sii wadan karin waxbarashadii ay heysteen. “Iyadoo ay waxbarashadu u socoto ayaan soo waday anigoo ku tashanaya in marka aan halkan imaanno dhankaas nagala taageeri doono, balse cid nala hadashay ilaa hadda ma jirto,” ayuu yiri. Carruurtiisu waxay fasallada lixaad iyo siddeedaad ka dhiganayeen dugsi dhexe oo ku yaalla xerada Xagardheer.

Hay’adda UNHCR ayaa horay u sheegtay in ay qaxootiga Soomaaliya ku noqonaya ugu talagashay taageero soconaysa muddo lix bilood ah oo dhinacyada deegaanka iyo waxbarashada ah. Hase yeeshee nooma suuragelin inaan helno mas’uuliyiinta hay’adda mar aan xiriir la sameynay oo aan isku dayaynay in aan u ogaanno waxa ay uga jawaabayaan cabashada dadkan.

Ku-simaha Agaasimaha Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Jaaliyadaha ee Koonfur-galbeed, Liibaan Sheekh Shuceyb ayaa Warbaahinta u sheegay in ay noloshu ku adag tahay lix boqol oo qoys oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay dib ugu noqday Baydhabo. “Dadkan waxay u baahan yihiin badbaado. Haddii aan xal waara loo helin dhibka iyo nolol xumada way ku sii jirayaan,” ayuu yiri. Wuxuu xusay inay jawaab ka sugayaan hay’adda UNHCR oo ay kala hadleen in arrinta dadkan wax laga beddelo.